Somali News

Turkiga Oo Sheegay In Ay Ganacta Ku Dhigeen Xaaskii Abubakar Al-Baqdaadi

Madaxweynaha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in Dowladdiisa ay gacanta ku dhigtay xaaska hogaamiyihii hore ee kooxda la baxday Khilaafada Islaamka, Abubakar al-Baqdaadi.

Waxaa horey loo sheegay in Abubakar al-Baqdaadi ay la dhinteen laba kale oo ka mid ah xaasaskiisa, haddana lama oga waxa ay tahay xaaskan kale ee ay sheegtay dowladda Turkiga in ay gacanta ku dhigtay.

Madaxweyne Erdogan ayaa caasimadda dalkaas ee Ankara ka sheegay in sidoo kale ay horay gacanta ugu dhigeen haweeney ay walaalo yihiin Al Baqdaadi.

Erdogan ayaa sidoo kale sheegay in Mareykanka uu si xad dhaaf ah u buunbuuniyay dhimashada Al Baqdaadi.

“Waxaan halka ka sheegayaa markii ugu horeesay in aan gacanta ku dhignay xaaska Al Baqdaadi, balse ma aynaan buunbuunin sida Mareykanka oo kale, waxaan sidoo kale gacanta ku dhignay seedigii iyo dumaashidii”, ayuu yir Erdogan.

Talaadadii, Saraakiisha Turkiga waxay sheegeen in la soo qabtay Rasmiya Awad oo la dhalatay Abubakar Al Baqdaadi, ayna suuragal tahay in “laga helo sir qiimo leh”.

Rasmiya waxaa la sheegay in laga qabtay gobolka Xalab oo hadda ciidamada Turkiga ay maamulaan. Waxaa laga dhex helay gaari wayn oo ay kula dhex nooleyd seygeeda, dumaashideed iyo shan carruur oo kale, sida sarkaal Turki ah uu u sheegay wakaaladda wararka ee AP.

Related posts

Top News: Al-shabaab oo xabsiga u taxaabtey qaar kamid saraakiisheeda ugu sar sareysa (Akhri Magacyadooda).

admin

Maxaa ka jira inay Kordheen Weerarada Daacish ay ka Geysato Gudaha Soomaaliya?

Ahmed sudani

Dhagayso: Siyaasiyiin Cambaareeyay Ciidanka kenya ee ku sugan Kismaayo.

admin