Turkiga oo Gargaarkii ugu horeeyay gaarsiinaya Magaallada Beledweyne oo Wabiga shabeelle uu fatahaad ka sameeyay

0

Turkiga oo Noqday Dowladdii ugu horeysay ee si dhaqsi ah uga soo jawaabtay baaqii gargaar ee dowladda soomalia ka codsatay beesha caalamka kaasi oo gargaar beni’aadannimo loogu sameynaayo qoysaska ka barakacay fatahaadda webiga shabeelle uu ka sameeyay Magaallada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Dowladda aan walaalaha nahay ee turkiga ayaa balan qaaday in si deg deg ah gargaar beni’aadanimo u gaarsiin doonto magaallada beledweyne si loo bad baadiyo dadka guryahooda ka barakacay.

Dowladda turkiga ayaa walaalaha soomaaliyeed u gurmata marka musiibo beni’aadanimo ay dhacdo waxaana ay markasto ugu horeysa garab istaagga iyo caawinta ummadda soomaaliyeed .

Walaalka dhabta ah waa kan kuu gargaara kuna caawiya marka aad u baahantahay garab istaagga iyo gargaarka turkigana waa dalka kaliya ee soomaalia si dhab ah u saacida alle haka abaalmariyo walaaladeen turkiga iyo madaxweynahooda Erdogan.