Trump iyo Kim John Un oo ku wada sugan Magaalada Hanoi (Daawo Sawirro)

0
HANOI, VIETNAM - FEBRUARY 20: A signboard welcomes the upcoming summit between U.S. President Donald Trump and North Korean leader Kim Jong Un at South Korean restaurant in Tu Liem District on February 20, 2019 in Hanoi, Vietnam. U.S. President Donald Trump and North Korean leader Kim Jong-un are scheduled to meet on 27-28 February in the Vietnamese capital, Hanoi, their second meeting since they first met in Singapore last June as experts reportedly suggests there could be discussions around the dismantling of DPRKÕs Yongbyon nuclear facility while working toward complete denuclearization at the Korean Peninsula. (Photo by Linh Pham/Getty Images)

Hoggaamiyaha Korea-da Waqooyi, Kim Jong Un ayaa maanta tegay magaalada Hanoi ee dalka Vietnam, ka hor kulan madaxeedka labaad ee uu la yeelanayo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Shirkan ayaa la filayaa in waddo loogu jeexo dadaallada la doonayo in hubka Nukliyeerka looga dhigo Korea-da Waqooyi.

Madaxweyne Trump ayaa caawa xilliga Vietnam, waxa uu magaalada Hanoi ku tagay diiyaaradda madaxweynaha ee Air Force One.

Ka hor inta uusan ka bixin Washington, Trump ayaa rajo ka muujiyey inuu heshiis ka gaari doono ballan-qaadka Kim Jong Un ee ah inuu hubka Nukliyeerka baabi’inayo.

Qoraal uu soo dhigay Twitter ayuu Trump ku sheegay in Korea-da Waqooyi ay wajihi doonto saboolnimo la mid ah tan hadda haysa, haddii aysan dhigin hubka Nukliyeerka. “Kim waxa uu qaadan doonaa go’aan wanaagsan” ayuu yiri Trump.