Animation

TOPNEWS:- Beesha Caalamka oo dib iskugu soo celisay Madaxda madasha iyo Shirkii oo dib u bilaabmay.

no responses
Sunday September 11, 2016 - 3:41 under Breaking News by admin
mqdefault

Kismaayo24 News Agency waxay shalay  idin soo tabisay  in shirkii madasha wadatashiga qaranka lagu kala kacay  oo ay ka baxeen masuliyiinta qaar sida RW Somalia iyo Madaxweynaha Puntland  Abdiweli Gaas.

Hadaba qaybta Warqabadka Kismaayo24 ee Magaalada Muqdisho waxaa  goor dhawayd soo garay  in beesha Calamka ay dib iskugu soo celisay madaxdii Somalida ee  shirkii shalay isku fahmiwayay isla markana u shirkii madasha dib u furmay galabta.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in Beesha Caalamnka ay Madaxda Somalida siisay digninti ugu danbeysay  oo ay ku sheegayan in ay  ayagu la wareegi doonan howlaha doorashada hadan madaxdu heshiinin.

Beesha Caalamka ayaa waxay si gooni ah u fareen Madaxda Qaranka in ay awooda saaran topic ga ku sabsan sidii doorashada ay ugu dhici lahayd xiliga lo balamay balse aan lagu mashquulin arimaha awood qaybsiga.

Kismaayo24 ayaa waxay sido kale heshay in Beesha Calamka ay fariin u direen Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo asagu manta u dulay  Magaalada Kismaayo asago lagu wargaliyay in uu dib ugu soo labto madasha 24 saac ee soo socota.

Sida ay xogtaani tibaxayso Madaxweynaha Jubbaland wa Aqbalay in uu dib ugu soo labto muqdisho mudo ku siman 24 saac qaybna u ka qaato shirka madasha qaranka Somalia.

Isku soo wada duubo  Madaxda madasha wadatashiga qaranka ayaa kala maraya heerki ugu xuman ayado xata Madaxweyne Xasan sheikh ay madaxda kale diideen in ay u xushmeyaan sidi madaxweyne ama in uu shir gudon sii ahaado.