Animation

Top: Xeer ilaaliye ku xigeenka QARANKA oo ka hor yimid Warqadii shalay xeer ilaalinta kasoo baxday

no responses
Tuesday November 10, 2015 - 9:32 under Somali News by admin
mqdefault

Muqtaar Nuur Abuukar ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, ayaa ka hor yimid amar shalay kasoo baxay xafiiska xeer ilaalinta qaranka oo lagu amray wasaarada boostada iney xanibaad kusoo rogto website-yo afka Soomaaliga wax ku qora.

Website-yada la amray in la xanibo ayaa la sheegay iney aflagaado kula kacaan shaqsiyaad dowlada ka tirsan iyo kuwo caan ka ah bushada dhexdeeda.

Balse Muqtaar Nuur, ku xigeenka xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in xafiiska xeer ilaalinta ku fududaatay warqada ay soo saartay, sabab la xiriirta amarkaasi uu sheegay ineysan xeer ilaalinta soo saari Karin.

“Xafiiska xeer ilaalinta wey ku fududaatay warqada ay soo saartay sababtoo ah amarkaasi oo kale waxaa soo saari karta maxkamada awooda sharciyeed u leh”ayuu yiri Muqtaar Nuur.

Qoraalkii shalay kasoo baxay xafiiska xeer ilaalinta qaranka ayaa waxaa lagu mamnuucay in xanibaad lagu soo rogo ku dhawaad 35 website oo aysan ku jirin dhamaan website-yada taageera Alshabaab.