Animation

Top: Wasiirka arrimaha gudaha cabdirixmaan Odowaa oo Garowe tagay & Safarkiisa oo xogo badan laga helay

no responses
Tuesday November 17, 2015 - 8:24 under Breaking News by admin
mqdefault

Wafdi uu hogaaminayo wasiirka arimaha gudaha xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa, ayaa ku sugan magaalada Garowe ee gobolka Nugaal, halkaasi oo shalay laga furay shirka lagu gorfeynayo nooca doorasho ee ka dhaceyso dalka sanadka soo socdo.

Wafdiga wasiirka waxaa kamid ah wasiir ku xigeenka wasaarada maaliyada xukuumada Soomaaliya iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Xogta aan heleyno ayaa sheegeysa in safarka wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya uu la xiriiro shirarka ka furmayo lix degmo oo ku taala deegaanada Puntland, iyo sidii loosoo ururin lahaa aragtida shacabka Puntland ee doorashada sanadka soo socda.

Wararka ayaa sheegaya iney kulamo maanta la qaadan doonaan madaxweynaha maamulka Puntland C/welli Maxamed Gaas.

C/raxmaan Odowaa ayaa markii uu tagay magaalada Garowe wuxuu ka gaabsaday inuu saxaafada kala hadlo waxyaabaha keenay inuu tago magaalada Garowe.

kismaayo24.com

abdi kafi abdi abdulle