Animation

Top: Ethiopia oo amartay in isgaarsiinta Baardheere hawada laga saaro, SABAB?

no responses
Wednesday November 4, 2015 - 9:03 under Somali News by admin
mqdefault

Wararka aan ka heleyno gobolka Gedo ayaa sheegaya in saraakiisha ciidamada Ethiopia ee Baardheere iyo saraakiisha ciidamada dowlada Soomaaliya iney amar kusoo rogeen isgaarsiinta magaalada.

Saraakiisha ciidamada dowlada Ethiopia ayaa tagay shirkadaha isgaarsiinta ee degmada Baardheere, waxayna ku amreen masuuliyiinta shirkadaha iney hawada ka saaraan isgaarsiinta magaalada.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya sababaha keenay in isgaarsiinta hawada laga saaro, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in ciidamada ay u duulaan tageen fariisimo Alshabaab ku leeyihiin duleedka degmada Baardheere.

Taleefoonada Magaalada ayaanan shaqeyneyn, waxaana shaqeynaya Internetka kaliya, sida ay soo gudbiyeen Suxufiyiin ku sugan Magaalada Baardheere.

Baardheere oo ah Magaalo Istaraatiiji ah oo Gobolka Gedo ka tirsan, ayaa 8 sano oo Shabaab ay maamulayeen kadib waxa ay gacanta u gashay ciidamada Dowladda Federalka Somaliya iyo kuwa Amisom oo hada maamulaya Magaaladaasi.

kismaayo24.com

abdi kafi abdi abdulle