Animation

TOP: Qaramada Midoobay oo xoojisay Xafiiska uu Madaxda ka Yahay Nickolas Kay

no responses
Tuesday November 10, 2015 - 9:46 under Somali News by admin
mqdefault

Wakiilka dowlada Shiinaha ee Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqay beesha caalamka iney sii kordhiyaan habka nabadeynta dalka Soomaaliya islamarkaana la joogteeyo taageerada nabad iyo xasiloonida ee dalka Soomaaliya.

“Shiinaha wuxuu ugu baaqayaa beesha caalamka iney raacaan mabaadii’da hogaanka Soomaaliya iyo miliyada Soomaaliya, lana joogteeyo taageerada soo celinta nabad galyada Soomaaaliya”ayuu Liu Jieyi oo ah wakiilka joogtada ee dowlada Shiinaha u fadhiya Qaramada Midoobay.

Hadalkaasi ayuu ka jeediyay kulankii shalay ay yeesheen xubnaha golaha amaanka ee Qaramada Midoobay oo uu ka qeyb galay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali.

Sidoo kale Mr Liu, ayaa ku baaqay in dowlada Federaalka laga caawiyo horumarinta hanaanka dowladnimada, dhismaha hayadaha dowliga iyo dib u hishiisiinta shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu sheegay iney ka rajeynayaan dhamaan hogaanka Soomaaliya iyo qeybaha bulshada iney ka shaqeyn doonaan dib usoo celinta nabad galyada Soomaaliya iyadoo la joogteynayo hanaanka dib u hishiisiinta.

Ugu dambeyn golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ansixiyay qaraar dhigaya dhismaha xafiiska taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya UNSOS.

kismaayo24.com

abdi kafi abdi abdulle