Animation

Top-News:Xaalada Tuulada Yoocaale Ayaa Kacsan Iyadoo Ay Sii Korartay Qasaaraha Dagaalkii Maanta.

no responses
Friday November 11, 2016 - 8:34 under Somali News by cabudwaaq
mqdefault

Waxaa caawa kacsan xaalada goobiihii maanta lagu dagaalamay ee tuulada yoocaale oo hoostagta ina gabile waxaana lasoo sheegaya in ay dagaalkii maanta ay ku dhinteen in kabadan 8 qofood oo ay qof dumar ah ku jirto halka dhawacu uu gaarayo ilaa iyo tobaneeyo labada dhinac ah

Dagaalkii Maanta Ayaa ka bilowday xoolo dad xoolo dhaqato ah kaasi oo markii danbe sii balaartay waxaana labada dhinac markiiba ay heleen gurmadyo uga kala yimid cabudwaq iyo xeraale.

Caawa ayaa laga dareemaya cabsi dagaal waxaana dadkii ka ag dhawaa goobihii lagu dagaalamay ay so sheegayaan in wali ay is horfadhiyaan maleeshiyaad labada dhinac ah mana jirto ilaa iyo hada cid ka hadashay Dagaalkii Maanta ee odayaasha labada dhinac ah.