Animation

TOP NEWS: Madaxweynaha galmudug iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminaayo oo gaaray magaalada galkacyo

no responses
Wednesday June 7, 2017 - 2:30 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Madaxweynaha dowlad goboleedka galmudug axmad ducaalle geelle xaaf iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminaayo ayaa gaaray magaalada galkacyo ee xarunta gobolka mudug.

Wafdiga madaxweyne xaaf waxaa si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada galkacyo waxaana banaanka magaalada uga hortagay mas’uuliyiinta maamulka dagmada galkacyo ,waxgarad,iyo qeybaha bulshada.

Madaxwaynaha oo socdaal dhanka dhulka ah uga soo ambabxay magaalada cadaado ayaa soo maray deegaanada galinsoor bandiiradleey sedex higlo iyo dagaari wuxuuna halkaasi kula kulmay bulshada ku nool deegaanadaasi oo uu arima dhowr ah kala hadlay.

Kulan ayaa hada waxaa uu ku socdaa xarunta maamulka dagmada galkacyo waxaana madaxweyne xaaf uu la kulansanyahay maamulka magaalada ,odayaasha waxgaradka.

Madaxweynaha ayaa reer galkacyo kala hadlaya adkeynta heshiiska cadaado ay ku kala saxiixdeen madaxweynayaasha galmudug iyo puntland oo ku aadana nabadeynta galkacyo.

Facebook Comments