Animation

Top News:Dowladda Soomaaliya oo Punland u Jawaabtay

no responses
Monday November 30, 2015 - 7:22 under Somali News by admin
mqdefault

Wasiir Dowlaha Madaxtooyada Soomaaliya Mahad Maxamed Salaad oo la hadlay Radio Kulmiye ayaa beeniyay Eedeen uga timid  Maamulka Puntland Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ah in Dowladda Dhexe ee Dalka ay qeyb ka tahay Dagaalka Magaalada Gaalkacyo ku dhexmaray Maamulada Galmudug iyo Puntlanad.

Mahad Maxamed Salaad Wasiir Dowlaha Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegay in Dowladda Federaalka aysan Door ku haleyn Dagaalka ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug islamarkaana Doorka kaliya ee ay leedahay uu yahay in la Xaliyo Colaada u dhexeeysa Labada Maamul.

Dagaalka ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka ayaa waxaa ku dhintay dad badan,iyadoo sidoo kale ay Barakaceen inta badan Dadkii ku noolaa Magaalada Gaalkacyo.

Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa Dowladda Federaalka ku Eedeeysay in ay Hurineyso Colaada Gobolka Mudug islamarkaana Ciidamada Xoogga Dalka ay ka dagaalameen Gaalkacyo iyagoo la safan dhanka Galmudug.