Animation

Top-News: Culima-Awdiinka Caabudwaaq,Waxgarad Iyo Qaybaha Bulshada Oo Ku Guulaystay kala Qaadida Maleeshiyadkii Shalay Ku Diriray Magaalada.

no responses
Thursday November 17, 2016 - 6:21 under Somali News by cabudwaaq
mqdefault

Kadib Dagaal socday mudo 9 Saacadood ah kaasi oo u dhaxeeyey Laba maleeshiyo Beelood oo wada dega Magaalada Caabudwaaq kaasi oo gaystay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa culimada magaalada waxgarad iyo qaybaha bulshadu u istaageen sidii ay u hakin lahaayeen dagaalkaas una joojin lahaayeen Dhiiga macno darada ah ee daadanaya.

Gudiyo ka kooban qaybaha bulshada oo ay hormuud u yihiin culimada magaalada ayaa  tagay goobihii dagaalku ka socday islamarkana kala qaaday maleeshiyaadkii dagaalamayey waxaana ay ku guulaysteen in ay ciidamo kala dhex dhigaan goobihii lagu dagaalamayey.

Galinkii danbe ee maanta ayey ciidmo isku dhaf ah la wareegeen goobihii shalay lagu dagaalamayey waxaana maleeshiyaadkii ay kala geeyen goobo cayiman.

C.xakiin sanweyne oo ka mid ah dhalinyarada magaalada kuna jiray dadkii howshan u istaagay ayaa u sheegay kismaayo24 in ay si fiican u soo dhaweeyen beelihii shalay ku dagalamay magalada ayna u hogaansameen xabad joojintii wixii hada ka danbeeyana ay bilaabi doonaan wada hadalsiinta beelahan iyo xalinta wixii khilaaf ah ee jira.

Magaalada Caabudwaaq oo ahayd magaalo nabadeed ayaa noqotay baryihii meel ay haraysay Colaada Dagaalo beeleedyada iyo dilalka Aanooyinka Qabiilka mana jiro Maamul Awood uu ku xaliyo arinkaas haysta iyo joojinta Dagaal Beeleedka.