Animation

TOP NEWS: Xiliga ay Dhaceyso Doorashada Xubnaha Aqalka Sare ee Hirshabeele oo la Shaaciyay..

no responses
Thursday November 3, 2016 - 6:18 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Madaxweynaha maamul Goboleedka Hir-Shabeelle Cali C/laahi Cosoble ayaa sheegay in doorashada xubnaha Aqalka sare u matalaya maamulkaasi la dooran doono Maalinta Axadda ah oo ay Taariikhdu ku beegan tahay 6-da Oktoobar.

Cali C/laahi ayaa intaa ku daray inay inta ka horreyso dhammaysan doonaan howlo yar yar oo ku aaddan dhammaystirka hannaanka doorashada, taasoo ay xigi doonta doorashada Aqalka hoose ee Baarlamanka Dalka.

Guddoomiyaha Baarlamanka Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cusmaan Barre Maxamed, ayaa Laba Cisho ka hor ka dhawaajiyay inay diyaariyeen Aqalka sare, balse masuuliyiinta kale ee maamulkaasi ayaa codsaday in lasii turxaan bixiyo haddii ay jiraan tabashooyin ku aaddan saami qaybsiga Kuraasta.