Top News :- Xasuuq ka dhan ah beesha Hartii oo ka socda Dulledka Kismaayo iyo Beesha Sade oo…

0

Dullledka Magaalada Kismaayo  waxaa ka socda Dagaalo aad u xogaan oo wax yeelo aad u badan lagu gaarsiyay beel ka mid ah beela jubboyinka.

Dagaaalkan oo ka bilowday tuuloyin ku yaala Galbeedka magaalada kismaayo ayaa waxaa uu u dhexeyay beelaha harti iyo cowromaleh balse waxaa dib uga so biiray beesha  Ogadeen oo si aan qarsoodii lahayd  u garab siisay  beesha Cowramaleh oo wayadanba ay isbahaysi siyaasadeed leeyihiin.

Dagaalkan oo manta ay sii rasmi ah uga qayb qadanayeen gadiidka dagaalka Axmed Madoobe ayaa  waxaa uu reebay qasaaro aad u badan oo soo gartay beesga harti ayado ay sidaas tahay ayaanu dagaalku wali istaagin.

Wararkii ugu danbeyay eee naga soo garaya  Galbeedka kismaayo ayaa waxaay tibaxayaan in dagaalka ka socda Galbeedka Kismaayo ay ku soo biireen beesha Sade oo ayadu gacan siinaysa beesha Harti kana  hortagaysa dulmiga u wado Axmed Madoobe iyo  ciidankiisa.

 

Dhanka kale Ciidamada Amniga Ee Magaalada Kismaayo ayaa soo xiray Odayaal Dhaqameed ka soo jeeda beesha harti  kuwaas oo Magaalada Kismaayo u jooogay sidii xal logu heli lahaa dagaalka lagu hobtay ee ka socda Galbeedka Kismaayo.

Xaalada Magaalada Kismaayo ayaa maalmihii ugu danbaysay alow sahal ah ayaado shacabkii Magaalada Kismaayo ay soo kartay gumaysiga  aan la qadan karin ee magaaladaasi ka jira  waxaana socda qorsheyaal dadka deeganka ay iskaga dulqadayaan taliska  Axmed Madoobe ee ka soo dulay Qabridahere.