Somali News Top News

TOP NEWS: Xafiiska QM ee Soomaliya iyo Imaaraadka carabta oo ku heshiiyay in ay iska kaashadaan Horumarinta Dalka Soomaliya

Danjiraha Imaaraadka Carabta u fadhiya Dalka Soomaliya Maxamad Axmad Cusmaan Alxamaadi iyo Ergayga gaar ka ah ee QM u qaabilsan Arimaha Soomaliya Michael Keating ayaa kulan ku yeeshay Xarunta Safaarada Imaaradka Carabta ee Magalada Muqdisho waxaana kulanka looga hadlay sidii la isaga kaashan lahay arimaha horumarinta iyo bani aadanimada.

Labada Danjire ayaa si qota dheer ah uga hadlay Xiriirka u dhaxeeya Safaarada Imaaradka Carabta ee Soomaliya iyo Xafiiska QM waxaana laba masuul ay isla garteen in la sii xoojiyo xiriirka ka dhaxeeya laba dhinac.

Danjire Micheal keating ayaa uga mahad celiyay safaarada Imaaradka Carabta howlaha Muhiimka ah ee soomaliya ay ka wado waxaana uu sheegay in Xafiiska QM uu la shaqeyn doono Danjiraha Imaaraadka Carabta u fadhiya Dalka Soomaliya.

Sidoo kale Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya soomaliya ayaa isna dhankiisa mahad balaaran u jeediyay Danjiraha QM ee Soomaliya Micheal keating wuxuuna ku bogaadiyey waxqabadkiisa  ku aadan inuu taageero Dadaalka Nabadda iyo Deganaanshaha Somalia.

Related posts

Magaalada Kismaayo oo uu ka jiro ugaarsi iyo qabqabasho baahsan.

admin

Maqaal: Mooshin Xasan Shiikh laga keenay waa mid Shuhuubaysan. SABAB?

admin

Jubbaland oo ku soo biirtay Go,doomintii lagu haayey Galmudug.

admin