Animation

Top News:- Xafiiska Jinsiyadaha iyo Socdaalka Puntland oo wali u Xiran Musuq’maasuq & is dabamarin

no responses
Sunday November 15, 2015 - 7:29 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

axaa weli albaabadiisu qufulan yihiin xafiiskii Socdaalka iyo Jinsiyadaha dowladda Puntland oo lagu helay dambiyo musuq maasuq la xiriira oo aan wali lasoo bandhigin.

Wuxuu xafiiskaan ku xiran yahay amar horey ugusoo baxay madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntand, kadib markii uu shaqada ka joojiyay agaasimihii socdaalka Puntland Cabdirashiid Sheekh Cali oo haatan ku sugan magaalada Gaalkacyo.

Xafiiskaan ayaa la sheegay dhaqaalaha laga qaado shacabka inay ku dhacaan Accouno gaar ah oo ka madax bananaan wasaaradda maaliyadda Puntland.

Wasaaradda maaliyadda ayaa madaxweyne ku xigeenka ku dacweysay inuu xafiiskaan si madax banaan u maamusho dhaqaalaha dowladda ee shacabka laga aruuriyo,islamarkaana uu diiday inuu dhaqaalaha kusoo shubo xisaabaadka maaliyadda, waxayna arrintaas oo soo dadajisay in la xiro xafiiska.

Dacwad ka dhan ah xafiiskaan ayaa hortaala barlamaanka Puntland, iyadoo dhowaan lagu wado in loo yeero mas’uuliyiinta xafiiskaan si loogala xisaabtamo halka uu ka baxo daqliga dowladda ugasoo xaroon jiray socdaalka iyo jinsiyadaha.

Xafiiska waxaa maalin walba yimaada shacabka doonaya in la siiyo warqadaha jinsiyadaha iyo socdaalka , laakiin waxay la kowsadaan xafiiska oo albaabada isugu laaban yihiin.

Warar madax banaan oo aan helnay waxay sidoo kale sheegayaan in madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa isku khilaafsan yihiin xirnaanshaha xafiiskaan.

Facebook Comments