Somali News Top News

TOP NEWS: Weerarkii Tooratoorow Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya miyaa Fuliyay Mise Ciidamada Mareykanka + Labada dhinac oo kala sheegtay weerarka cida fulisay

War-Saxaafadeed ka soo baxay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo nuqul kamid ah lasoo gaarsiiyay k24, ayaa lagu faahfaahiyay howlgal ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab oo ka tirsan Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay Xalay ka fuliyeen deegaano hoostaga Tuulada Tooratooroow ee gobalka Shabeellaha Hoose.

Warka ka soo baxay Taliska Xoogga Dalka ayaa lagu sheegay in 04:00Am Saacadda Geeska Afrika ay Ciidamada Kummaandooska Soomaaliya howlgal qorsheysan ku fuliyeen Saldhig ay Maleeshiyaadka Al-shabab Deegaanka Toorotooroow.

“Ciidamada Sida gaarka ah u tababar ee Danab ayaa Salaadii Subax Xilli ku dhaw holgal qorsheysan ku qaaday saldhig kooxda Al-shabaab ay ku uruuriyaan waxa ay ku ugu Uguyeeraan Zakawaadka oo ay ku boobaan hantida shacabka ku nool deegaankaasi, ujeedka ciidanka wuxuu ahaa in saldhiggaas ay burburriyaan, weyna ku soo guuleysteen’. Ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Sidoo kale Warsaxaafadeedka Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka soo baxay ayaa lagu sheegay in howlgalka intii ay ciidanada ku gudajireen ay ku qaarajiyeen horjoogeyaal iyo malleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-shabaab ee ku sugnaa saldhigga la burburriyay.

Dowlada Mareykanka aya dhankeeda shalay waxa ay soo saartay war kooban oo ay ku sheeganeyso weerar lagu qaaday Deegaanka Tooratoorow ee Gobolka shabeelada Hoose waxaana ay u muuqata in Mareykanka iyo Dowlada Federaalka ay labada dhinacba kala sheeganayan Weerarkii lagu qaaday Tooratoorow.

Related posts

Faah faahin: Dagaal beeleed ka qarxay gobolka shabeelada dhexe oo ay ku dhinteen dad ka badan….

Tifaftiraha K24

TOP NEWS: Wafdi ka Socda Wasaarada Arimaha Gudaha oo Jowhar kula kulmay Duubabka Dhaqanka labada Gobol ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe Maxaase ka so baxay kulanka? ( Sawirro )

admin

TOP NEWS: Dhageyso Safiirka Turkiga u Fadhiya Soomaliya oo Ka Hadlay Dhaqaalaha ay Bilwaliba siiyaan Dowlada Federaalka iyo Saldhig milatari oo la sheegay in Muqdisho ay Ka furanayaan

Tifaftiraha K24