Animation

Top News:- Waxgaradka Baladxaawo oo ka Cabanaya Dowladda Kenya Sabab?

one response
Tuesday November 10, 2015 - 2:51 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Odayaasha iyo waxgaradka degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo ayaa cabasho ka muujiyay ciidamada dalka Kenya ee ku sugan magaalada Mandheera,halkaasoo ay ka billaabeen in ay baa’biyaan calamadaha muujinaya halka ay ku kala eg yihiin Soomaalia iyo Kenya.

Nabaddoon Idiris Aadan oo ku sugan Beledxaawo ayaa sheegay in Kenya ay ka soo talaawday soohdinteeda xadkeeda oo ay cagaf cagaf yo gelisay dhul ballaaran oo ka tirsan gudaha dalka Soomaalia.

 

Dowlada Federaalka Soomaalia ayuu ugu baaqay Nabadoonkan in ay soo fara galiso xaaladda hadda ka taagan xadka,
halkaasoo la sheegay iney aad isaga dhow yihii magaalooyinka Beledxaawo iyo Mandheera oo ka kala tirsan labada dal.

Kenya ayaa ku tala jirta inay xirto xudduudda ay la wadaagto Soomaaliya si ay uga badbaaddo weerrarada kaga imanaya dhanka Ururka Al-shabaab oo weerarro badan ka geystay xarumana ku leh gudana dalka Kenya.

Facebook Comments