Animation

War hada : Dhageyso Oo Waxbadan ka Ogow Waqtiga uu Furmaayo Shirka Madasha Qaran oo la sheegay in laga soo Hormaray w……

no responses
Monday September 5, 2016 - 11:13 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Shirka Madasha Qaran ee dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada dalka, ayaa lagu wadaa in maanta uu ka furmo magaalada Muqdisho.

Madaxtooyada Soomalia ayaa Xaqiijisay in Shirka Madasha uu Maanta Furmi doono Hadii Caqabado kale aysan soo bixin sida uu Wakaalada SONNA u sheegay Afhayeenka Madaxweynaha Da’ud Aweys.

Shirkan Madasha Qaran ayay horey Madaxda Dowladda iyo kuwa Maamul Goboleedyada Dalka ugu heshiiyeen in uu furmo 7 Bishan September, balse waa laga soo hormariyay maanta gelinka dambe ayaa la filayaa in uu furmo.

Inkastoo weli aysan Muqdisho gaarin Qaar kamid ah madaxda Maamul Goboleedyada Hadana waxaa la filaaya in maanta ay Yimaadan Isla galabtana shirka uu furmo.

Qodobada Ugu Muhiimsan ee Shirka Madasha ayaa waxaa ka mid ah Arimaha Doorashooyinka iyo Dhisada Aqalka sare iyo habka loo Maraayo oo horay Madaxda ay ugu hesheeyiin.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka