Animation

TOP NEWS: Waxbadan ka Ogow Socdaalka Raisul Wasaare ku xigeenka iyo Wafdi uu Hogaaminaayo ay Maanta ku tageen Magaalada…..

no responses
Saturday October 1, 2016 - 4:27 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa maanta gaaray magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan halkaasoo si weyn ay ugu soo dhaweeyeen Goduumiyaha gobolka Hiiraan iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Wafdiga uu hogaaminayay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa waxaa kamid ahaa Wasiiru dowlaha Wasaaradda arrimaha gudaha iyo Federaalka waxaana lagu wadaa in ay saacadaha soo socdo ay la kulmaan qeybaha kala duwan ee bulshada reer Hiiraan.

“Waxaan idinkaga mahadcelinayaa soo dhaweeynta wanaagsan aad noo sameyeseen oo aan marwalba kala kulmi jirnay dadka reer Hiiraan, waxaan u nimid howlaha dowladda oo ah in gobolkan horumar iyo  nabadgelyo gaaro’’ ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku xigeenka.

Ugu dambeyntii wuxuu Mudane Carteh la kulmi doonaa Oday Dhaqameedyada Gobolka Hiiraan iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

r1-640x360 r2 r3 r4 r5 r6 r7