Animation

TOP NEWS: Waxbadan ka Ogow Socdaal uu Guddoomiye Jawaari ku tagi doono Magaalada Jowhar Xil ay….

no responses
Thursday October 13, 2016 - 8:46 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Guddoomiya Baarlamanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa lagu wadaa inay Maanta gaaraan Magaalada Jowhar ee Caasimadda gobolka Shabeellada dhexe, si ay ugu qayb galaan doorashada Afhayeenka Baarlamanka Hir-Shabeelle oo lagu wado inay Maanta dhacdo.

Magaalada Jowhar ayaa waxaa ka soconaya qaban qaabada soo dhoweynta masuuliyiinta ka socota Dowladda dhexe, iyadoo sidoo kale uu jiro u diyaargarow guud ahaa dhammaystirka dhismaha maamulka Hir-Shabeelle.

Xalay ayay mudanayaasha Baarlamanka Hir-Shabeelle dhagaysteen qudbadaha Saddex musharrax oo u taagan qabshada xilka Guddoomiyenimo iyo ku xigeennadiisa,si ay usoo bandhigaan wax qabadkooda dooarshada ka dib.

Doorashada Guddoomiyaha Baarlamanka Hir-Shabeelle oo sida Jadwalka ku qoran ku beegnayd Shalay, ayaa dib u dhac farsamo ka dib waxaa loosoo weeciayay Maanta oo ay Bishu tahay 13-ka Oktoobar,waxaana isla Maanta looga fadhiyaa inay dhacdo Samaynta guddiga doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeennadiisa iyo sidoo kale qabashada Araajida Dadka u taagan Xilalkaasi.

Maalinta Berri ah ayaa la filayaa in la dhagaysto Murashaxiinta u loollamaysa Xilalka Madaxweynenimo iyo ku xigeennadiisa, iyadoo 15-ka Bishanna lagu wado inay dhacdo doorashadooda.