Animation

TOP NEWS: Waxbadan ka Ogoow Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug oo Mooshin Xil ka qaads ah ka keenay…….

no responses
Monday October 24, 2016 - 12:38 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Galmudug ayaa Maanta Mooshin Xilka qaadis ah ka keenay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir.

Mooshinkaan waxaa saxiixay ku dhawaad 34 Xildhibaan iyagoona dalbaday in Xil ka qaadis lagu Sameeyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.

Baarlamaanka Galmudug ayaa dhaliil badan laga keenay dhowr jeer oo hore iyadoona Xildhibaanad ay hada doonaya in meesha ay ka saaraan Guddoonka Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Caseer.

Dhinaca kale Wararka aynu ka heleyno Magaalada Cadaado ayaa waxa ay sheegayan in Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir oo Shir Jiraa’id ku qabtay Magaalada Cadaado Isagona sheegay inuu Fasaxay Shaqdii Baarlamaanka islamarkaana Baarlamaanka Galmudug uusan Shaqo yeelan doonin ilaa 01/01/2017.

Cal Gacal Caseer ayaa Fasaxan ku sheegay in Xli adag la guda gali doono oo doorashoyin ay dhici doonan sidaasina uu ku fasaxay mudanayaasha baarlamaanka Galmudug.

Guddoomiyaha kama uusan hadlin Mooshinka Xil ka qaadista ay kasoo gudbiyeen ilaa 34 Mudane oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug.