Somali News Top News

TOP NEWS: Waxbadan ka Ogoow Socdaalka Xasan Shiikh ee Maanta uu ku tagay Magaalada Kismaayo

Madaxweynaha soomaliya iyo Wafdi uu Hogaaminaayo ayaa Maanta waxa ay gaareen Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Madaxweynaha waxaa si diiran loogu soo dhaweeyay Garoonka diyaradaha Magaalada Kismaayo Iyadoona Masuuliyiinta ugu sareeyso Jubbaland ay soo dhaweeyeen Madaxweynaha iyo Wafdigiisa.

Socdaalka Madaxweynaha ayaa la sheegay in ay qeyb ka tahay Ol’oalhiisa Doorashada Madaxweyne waxaana Halkaasi uga sii horeeyay Musharixiinta Xilka Madaxtinimada kula tartameysa ee kala ah Cumar C/Rashiid iyo C/raxmaan C/shakuur.

Xasan Shiikh waxa uu Kismaayo u tagay sidii uu Tartan ula gali lahaa Musharixiinta Magaalada Uga soo hormartay Islamrkaana kulamada la qaatay Xildhibaanada labada Aqal.

Madaxweynaha wuxuu kulamo la qaadan Doono Xildhibaanada Labada Aqal ee Jubbaland iyo Madaxda Maamulkaasi.

Jubbaland waa Maamulka Seddexaad ee Xildhibaanada ugu badan ku leh Labada Aqal Markii la isku geeyo dhamaan Xildhibaanada Labada Aqal waxaana Musharax kasto uu doonaya in uu helo Kalsoonida iyo Codadka Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Jubbaland kasoo galaya Baarlamaanka Soomaliya.

Related posts

Wararkii ugu dambeeyay shaqaaqo ka dhacday caasimada dalka Djibouti

Tifaftiraha K24

Top News: Ciidamo Galmudug ka tirsan oo arin Puntland aad uga farxisey sameyey

admin

TOP NEWS: Maxaadan Ogeyn oo Axmad Madoobe uu ka yiri Guushii Jubbaland ay ka gaadhay Galmudug????+Sawirro

Tifaftiraha K24