Animation

TOP NEWS: Waxbadan ka Ogoow Ciidamada Amisom oo Maanta la Wareegay Gacan ku Heynta Xarunta Madaxtooyada Galmudug ee Magaalada Cadaado…

no responses
Tuesday November 1, 2016 - 7:54 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Ciidamada Amisom ee Dhawaan la geeyay Magaalada Cadaado ayaa Maanta si Rasmi ah ula Wareegay Ammaanka Guud ee Madaxtooyada Galmudug ee Magaalada Cadaado.

Ciidamada ayaa Fariisimo ka sameystay Madaxtooyada Galmudug ,waxaana sidoo kale ay Xireen Wadooyin dhowr ah oo soo gala Madaxtooyada Galmudug ee Magaalada Cadaado.

Ciidamada Amisom Horay waxa ay Fariisimo ugu lahaayen Garoonka diyaaradaha Magaalada Cadaado Balse Maanta ayey si rasmi ah ula wareegen Ammanka Guud ee xarunta Madaxtooyada Cadaado.

Saraakiisha Amisom ayaa sheegay in Ciidanka ay si Rasmi ah u dageen Madaxtooyada Cadaado waxaana ay sheegen in ay Wada shaqeyn la yeelan doonan Ciidamada Ammaanka Galmudug si loo Xaqiijiyo Nabad Galyada xarunta Galmudug looga Aimiyo ee Cadaado ku taala.

Amisom iyo Dowlada Federaalka waxa ay Horay u sheegen in Ciidamo ka socda Amisom la geyn doono Magaalooyin dhowr ah oo ay ka dhici doonan Doorashada Xildhibaanada Aqalka Hoose Cadaado ayaana Noqotay Maagaladii Ugu Horeysay ee Ciidankaasi la geeyay.