Animation

TOP NEWS: Wasiirka Howlaha Guud ee Galmudug oo Afka Furtay Isagoona Banaanka soo Dhigay Sababta Rasmiga ah ee ka Dambeysa Xariga Shalay loo geestay

no responses
Tuesday November 15, 2016 - 9:00 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Iyadoo Maalintii Shalay Magaalada Cadaado Ciidamada Nabad Sugida ay ku Xireen Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib u dhiska Maamulka Galmudug ayaa waxaa Xariga loo geestay ka hadlay Wasiirka .

Maxamed Maxamuud Guure iyo Saddex Qof kale oo Nabaddoon uu ku jiro ayey Ciidamada Shalay xabsiga dhigeen Isagoona ilaa iyo xalay Xabsiga ku jiray.

Saraakiisha Amniga Galmudug ayaa sheegay in Sababta loo xiray Wasiir Guure iyo Ragga la socda ay aheyd Shaqaaqo ay Ilaalada Wasiirka Howlaha Guud ka sameeyeen xarunta Doorashada Magaalada Cadaado ee Maamulka Galmudug islamarkaana Sababtaas loo xiray.

Wasiir Guure ayaa beeniyay Wararka sheegaya in Ilaaladiisu ay Weerar ku qaaday Xarunta Doorashada Cadaado,waxaana uu Xusay in Asaga iyo Nabaddoono la socday la Afduubtay.

Wasiirka wuxuu Carabka ku dhuftay in Xarigiisa Dano gaar ah laga leeyahay oo ay Jiraan Dad isaga ka Been abuurtay wuxuuna si Cad u sheegay in Ciidankiisa aysan Marnaba weerar ku qaadin Xarunta ay ka socoto Doorashada Xildhibaanada Aqalka Hoose.