Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284 Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284 Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284 Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284
Somali News Top News

TOP NEWS: Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Jubbaland oo Maanta Kormeer ku tagay…..

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare ee Jubbaland Maxamed Ibraahim Maxamuud iyo xubno ka socda wasaaradda Qaybaheeda kala duwan ayaa Maanta Waxa ay kormeereen Machadka Barashada Farsamada Gacanta ee magaalada Kismaayo oo wax ku bartaan arday badan farabadan oo ka shaqeenaya farsamooyinka noocyahooda kala duwan, waxaana ay halkaasi shahaadooyin ku guddoonsiiyeen arday dhamaysatay barashada farsamada gacanta.

Maxamed Ibraahim Maxamuud Wasiirka Waxbarashada iyo tacliinta sare ayaa Mid Mid u kormeeray Goobaha ay wax ku bartaan ardayda xilli ay ku jireen barashada farsamada gacanta oo qaybo badan ka koobnay sida Farsamada Makaaniga Farsamada Alxanka Biraha iyo Farsamada Samaynta Agabyada yar yar ee lagama maarmanka ah oo ay kamid yihiin Birjikooyinka wax lagu karsado Mindiyaha Badeelada iyo kuwo kale waxaana xusid Mudan in Ardayda ay soo bandhigeen waxyaabihi ay barteen iyago muddo bil ah ku dhisay qayb kamida goobta ay hadda wax ku bartaan

Wasiirka iyo Xubnihii la socday ayaa warbixin kooban ka dhagaystay Maamulaha Machadka Barashada Farsamada Gacanta Xassan Cabdi Xasan isagoo dhanka kale shahaadoyin gudoonsiyay Arday dhamaysatay waxbarashadii ay horay usoo wadeen

Cabdi Barre Gudoomiye kuxigeenka Arimaha Bulshada Degmada Kismaayo ayaa isna goobta ka hadlay una mahad celiyay Maamulka Machadka iyo ardayda sida wanagsan wax u baranaysa

Ugu Danbayn Waxaaa Munasabdda Soo Xiray Maxamed Ibraahim Mxamud Wasirka Wasaradda Waxbarashada Iyo Tacliinta wuxuuna la dardaarmay Ardayda wax kabaranaysa Machadka iyo kuwa ka qalin jabiyayba.

Related posts

Dad loo soo qab qabtay weerarkii lagu qaaday Wasiiru Dowlaha Gaashaandhiga

admin

Madaafiic lagu garaacay Safaarada Dalka Mareykanka ey ku leeyihiin Magaalada.

admin

Akhriso: Maxaadan ogeyn oo galmudug ay ka tiri wasiiraddii maanta la magacaabay iyo saamiga ay….

Tifaftiraha K24