Animation

Top News: Wasiir Odawaa oo Sir Culus Ku dhawaaqay & Dhaar uu Maray, Isagoona………………………….

no responses
Sunday October 2, 2016 - 7:10 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Xilli ay weli jirto xiisad siyaasadeed oo ku hor gudban Shirka Maamul Usameynta Gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe ayaa waxa hadana la shaaciyey mudada shirkaasi lagu soo gaba gabeenayo.

Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Soomaaliya C/raxmaan Xuseen Odawaa ayaa ka hadlay culeyska ka heysta Shirkaasi inuu la mid yahay shirarka kale.

Wasiir Odawaa ayaa sheegay in 15 Bishaan wixii loo gaaro ay noqon doonto mid lagu soo dhisi doono Shirkaasi maamulkana xilligaasi uu soo dhameystirmi doono.

Odawaa oo mararka qaar dhaar ku marayey sida dad dano gaar ah leh ay caqabad ku yihiin  dhismaha Maamulka Gobollada Hiiraan & Sh/Dhexe,isagoo Amaanay Puntland Hormarka ay maamulkooda ku tallaabsadeen.