Animation

TOP NEWS: Wasaaradda Gaashaandhiga oo Jawaab Kulul ka Bixisay Hadal Dhawaan ka soo yeeray Madaxweynaha Puntland oo ku aadana in Ciidanka Dowlada ay……

no responses
Wednesday October 26, 2016 - 2:21 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wasiirka  Gaashaandhigga Soomaaliya  Gen. C/qaadir Cali Diini ayaa beeniyay  in Ciidamo ka tirsan Dawladda ay ka qeyb qaateen Dagaalka ka socoda mgaalada Gaalkacyo.

Wasiirka oo maanta la hadlayay SONNA, ayaa sheegay inan wararka  la isla dhex marayay malmahaan uu yahay mid  fadhi ku dirir ah, baba yaratee aysan jirin Ciidamo ka tirsan Dawladda oo ka qeyb galay dagaa beeleedka ka socoda magaalada Galcayo.

Gen. Diini ayaa ugu baaqay maamulada labada dhinac ee ku dagaalmaya magaalada inay si shuruud la’aan ah dagaalka u joojiyaan una turaan dadka sida nabadgelyada ah ugu wada noolaa magaalada Galkacyo.