Somali News Top News

TOP News : Wararkii ugu danbeeyey ee Dagaalkii Ceelcade iyadoo Kenya asker aad u badan looga dilay dagaalka, ” faafaahin”

Dagaal culus oo ay alshabaab saaka hiigsiga hore ku qaadeen dagmada ceelcade ee gobalka gedo, ayey kula wareeeeeg gacan ku haynta dagmadaasi, iyadoo wararkii ugu danbeeyey ay sheegayaan in khasaare lixaad leh ciidamada Kenya lagu gaarsiiyay weerarkaasi.

Ugu yaraan 50 Askari oo ka tisan ciidamada Kenya ayaa lagu diley weerarkii saaka lagu qaaday saldhigooda degmada ceelcade ee gobalka gedo, sidoo kale saanad ciidan oo lixaad leh ayaa lagaga qabsaday ciidamada Kenya,kuwaas oo laga xusi karo 31 gaaari oo isugu jira noocyada aysan xabada Karin, booyado shidaal iyo agab militiri oo ay kamid yihiin hub aad u culus sida lidka diyaaradaha madaafiicda goobta iyo shixnado militiri oo kale.

Alshabaab ayaa dhinacooda sheegay in inkabadan 100 Askari ay ku dileen dagaalkii saaka inkastoo ay tahay sheegasho hadana Kenya ayaa dhinaceeda sheegtay in aan waxba uga dhiman dagaalkii saaka.

Goobjoogayaal kusugan ceelcade oo la hadlay kismaayo24 ayaa xaqiijiyay in gabi ahaanba ay degmadaasi gacanta ku hayaan ururka alshabaab, sidoo kale waxay xaqiijiyeen in khasaare lixaad leh uu dagaalkii saaka Kenya kasoo gaaray.

Sikastaba waxaa dagan Xaalka ceelcade oo ay wali gacanta ku hayaan ururka alshabaab,inkastoo diyaarado dagaal oo ay Kenya leedahay ay wali dul heehaabayaan magaalada.

Related posts

Tirada dhimashada oo kor usii dhaafeysa boqo, askari kadib weerar xoogan oo lagu qaaday saldhig milatari oo ku yaala….

Tifaftiraha K24

War Cusub: Maxaadan Ogeyn oo Saakay laga soo sheegaya Magaalada Qandala oo Daacish ay weli maamusho???

Tifaftiraha K24

Dowladda oo ku dhawaaqday maalinta uu furmaayo Shirka Cadaado.

admin