TOP NEWS: Waan waantii laga dhex waday Khilaafka Baarlamaanka oo Bur burtay iyo Cabsi xooggan oo….

0

Guddiga aqalka sare ee u xilsaarnaay xalinta khilaafkii ka dhashay mooshinkii laga keenay guddoomiye jawaari ayaa waxa ay shaaciyeen in uu bur buray waan waantii iyo wada hadalladii ay ka dhex wadeen dhinacyada mooshinka isku haya.

Guddiga waxa ay sheegeen in ay ku adkaatay in labada dhinac meel dhexe ay isugu keenan si loo dhameeyo mushkiladda xalna looga gaaro khilaafka waxaana wararka qaar sheegayan in jawaari uu aqbalay soo jeedinta guddiga aqalka sare balse xildhibaanada mooshinka keenay iyo guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka c/wali muudey ay diideen qodobada qaar ee guddiga uu soo bandhigay in lagu heshiiyo.

labada qodob ee la isku hayay oo ay wadeen Guddiga Aqalka sare ayaa ahaa in Ciidamadii la geeyay xarunta baarlamaanka laga qaado iyo in la isku afgarto xilliga mooshinka la horgeeynayo, iyadoo labada dhinac raalli isaga yihiin balse labadaas qodob ayaa si weyn loogu kala aragti duwanyahay waana sababta keentay in wada hadallada iyo dhex dhexaadinta ay bur burto.

Guddiga Aqalka Sare ayaa horay u soo saaray in mooshinka laga keenay Guddoomiye Jawaari lagu horgeeyo Golaha muddo 10 cisho oo ka soo bilaabata 18-ka bishan, kuna eg 28 oo xalay saqdii dhexe ku ekeyd, hase ahaatee aanay ku suura gelin in mudadaas lagu horgeeyo.