Somali News Top News

TOP NEWS: Waakuma Danjiraha Cusub ee Soomaaliya u Magacowday Dalka Angola? SAWIRRO

Madaxweynaha Dalka Angola, José Eduardo dos Santos, ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjiraha Soomaali Mudane Jamaal Maxamed Barroow ahna Danjiraha Soomaaliya ee dalalka Koonfur Afrika.

Madaxweynaha Dalka Angola, ayaa Mudane Jamaal Barroow ka guddoomay dhambaal Salaan ah oo uu uga Siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya Mudane Xasan Sh Maxamuud.

Danjir Jamaal Maxamed Barroow ayaa kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha Dalka Angola Jose Eduardo Dos Santos, isagoo warbixin ka siiyay hormarka Soomaaliya ay ka sameysay dhinacayada Ammaanka iyo Siyaasadda.

Mr José Eduardo dos Santos, ayaa dhankiisa Ammaanay isabadalka Siyaasadeed ee ka billaawday Soomaaliya, isagoo sheegay in xiriir walaaltinimo oo soo jireen ah ay lahaayeen Soomaaliya iyo Angola.

Mudane Jamaal Maxamed Barroow, Ayaa noqonaya safiirkii ugu horreeyay ee Soomaaliyeed ee dalka Angola, isagoo sidoo kale Safiir ka ah illaa Shan Dal oo dhaca Koofurta Qaaradda Afrika.

Soomaaliya ayaa kaalin wax ku ool ah ka qaadatay halgankii Xornimo doonka waddanka Angola ee ay kaga Xoroobeen gumeystaha.

 

0f79a6d33-f61e-4bf2-98a4-72f0093acd94-r-NjQweDM0NQ

01ea09e2b-4850-4808-882a-c1d89b58d74d-r-NjQweDM0NQ

078bdbaa2-13b1-4fa2-88ce-fb72f97ca7dd-r-NjQweDM0NQ

086530943-ebfa-4bb8-9e59-64445c4cae9a

Related posts

Weligaa Sadax Marxaladood Intaad Ku Sugantahay Ha Sameyn Sadax Xaaladood Oo Kale Sida Tusaalahaan.

admin

Daawo: Danjire jamaal maxamad xasan oo xilka safaaradda kenya ee soomalia ku wareejiyay……

Tifaftiraha K24

Dhagayso:- Faah Faahin: Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha oo loo gudbiyay Guddoonka Baarlamaanka

Tifaftiraha K24

1 comment

Comments are closed.