Animation

Top News: Waa Sidee Xaaladda Gobalka Mudug Kadib Dagaaladii Shalay Ilaa Daradaa (War Ayaan Idinkaga Wadnaa)

no responses
Wednesday September 7, 2016 - 5:43 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Waxaa saakay xaalad Deganaansho ah laga dareemayaa Bariga Gobolka Mudug oo ay ka dhaceen Dagaal Beeleedyo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Bariga Gobolka Mudug waxaa ku dagaalamay Laba Maleeshiyo Beeleed oo ka soo kala jeeda Maamulada Puntland iyo Galmudug, iyadoo Maamulada Puntland iyo sidoo kale  Galmudug uu midba mid kale ku eedeeyay in uu huriyay dagaalka ka dhacay Bariga Gobolka Mudug.

Xaalada Deegaanadii lagu dagaalamay ayaa waxaa saakay laga dareemayaa Deganaansho, waxaana Waxgaradka iyo Odayaasha halkaasi ku dhaqan ay wadaan dadaalo lagu heshiisiinayo labada dhinac ee dagaalantay.

Inta la xaqiijiyay 20 ruux ayaa ku dhimatay halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen tiro intaa ka badan dagaalkii  ka dhacay Deegaanada Bariga Gobolka Mudug.