TOP NEWS: waa sidee Xaalada Malagalada Beledweyne oo Caawa Masjid ku yaala Xaafada Howlwadaag uu Qarax weyn ka dhacay

0

wararka aynu ka heleyno Magalada Beledweyne ee Caasimada gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayan in goordhaw oo caawa ah uu qarax ka dhacay gudaha magalada beledweyne gaar ahaan xaafada howlwadaag oo kamid ah xaafadaha dagmada.

 

inta la xaqiijiyay laba ruux ayaa ku geeriyootay ilaa 12 ruux kalana dhaawac ayaa soo gaaray dad goob joogayal ah oo ku sugan xaafada uu caawa qaraxa ka dhacay aya warbaahinta u xaqiijiyay qaraxa dhacay inkasto aan faah faahin dhab ah laga heli karin qasaaraha dhashay iyo nuuca qaraxa uu ahaa maadama ay tahay xili habeen ah.

 

wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay masjid ku yaala laanta Siigaalow ee xaafada howlwadaag .

 

warar is qilaafsan ayaa waxa ay ka soo baxayan nuuca uu ahaa qaraxa caawa fiidkii ka dhacay masid ku yaala xaafada howlwadaag ee magalada beledweyne dad ku sugnaay masaajidka uu qaraxa ka dhacay ayaa sheegay in aysan kala garan karin nuuca uu qaraxa ahay qaar dadka ka.mid ah ayaa rumeysan in nuuca qaraxa uu ahaa Miino Masjidka gudaheeda la dhigay qaar kalana waxey kuu sheegayan in qaraxa uu ahaa Bambada gacanta lagu tuuro.

 

Xiriiro aan la sameynay maamulka gobolka hiiraan iyo kan dagmada beledweyne ayaanan inoo suurta galin in wax xog aan ka helno balse akhristayaashena waxan u balan qaadeynaa in waqti kasto wixii soo kordhaa aan idinla so socod siin doono insha allah