Animation

TOP NEWS: Taliska Ciidanka Xooga Dalka oo War ka soo saaray Howlgal Qorsheysan oo Ciidanka Kumaandooska iyo kuwa Amisom ay ka Fuliyeen Deegaanada….+Sawirro

no responses
Saturday October 22, 2016 - 3:30 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed iyo AMISOM ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay tuuloyinka Sabiib, canoole iyo Beledul amiin oo hoostaga degmadda Afgooye ee Gobolka Shabellaha hoose waxaana howlgalkaasi lagu burburiyay saldhigyo Al Shabaab ay halkaasi ku lahaayeen.

Ciidanka huwanta ayaa howlgallkaasi waxa ay ku soo qabteen Dagaalyahano ka tirsan al shabaab iyo saanad ciidan oo ay wateen sida lagu xaqiijiyay war qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Ciidanka XDS.

Ugu danbeyn, Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed S/Gaas Cali Baashi Maxamed ayaa tilmaamay in Alshabaab uusan awood u lahayn inay meel qabsadaan , balse weeraro qarsoodi iyo gadmo ah ay soo qaadan inay horumarka, wada nolanshaha iyo guulaha uu gaaray Qaranka Soomaliyeed aysan  dhib u dhac u keenin.

General CaliBaashi Maxamed ayaa u mahadceliyay Maamulka shabeellaha hoose iyo Ciidamadda Qalabka Sida iyo AMISOM sida ay u wadda fuliyeen howlgalkaas

Wuxuuna ku baaqay inay shacabaka Soomaliyeed la shaqeyaan Ciidamadda Qalabka sida oo mar walba u taagan la Dagaalanka Alshabaab.

unnamed-1 unnamed-2