Somali News

Top News: Silaanyo Oo Xukuumadiisa Isku Shaandheyn Ku Sameyey Xili Warancade Uu Xilkii Ka Qaadey, Isla Markaana……………………..

Madaxweynaha Soomaaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa xil ka qaadis iyo isbedelo balaaran ku sameeyay Qaar ka mid ah xubnaha xukuumadiisa.

War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha maamulka Soomaaliland ayaa ku qornaa Mas’uuliyiinta xilalka laga qaaday, kuwa cusub ee xilalka loo dhiibay iyo waliba kuwa isbedelada lagu sameeyay.

Wasiirada xilalka uu ka qaaday Madaxweynaha Soomaaliland ayaa waxa ka mid ahaa Wasiirkii Arimaha Gudaha ee maamulka Soomaaliland Waran-cade.

Madaxweynaha maamulka Soomaaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa sheegay in isbedeladan ay yihiin kuwo kor koolgu qaadayo xukuumada Soomaaliland iyo sidii loo hormarin lahaa hormarka maamulka Soomaaliland uu ku talaabsanayo.

Saraakiisha iyo saraakiil ku xigeenada kala duwan ee ciidanka maamulka Soomaaliland ayaa si weyn u soo dhaweeyay magacaabista Taliyihii hore ee ciidanka Soomaaliland Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani oo kaalin weyn ka soo qaatay dhismihii ciidanka maamulka Soomaaliland.

Related posts

Daawo: Muuqaalka Magaalada Baydhaba oo Marti galineysa Shirka Madasha Hogaamiyayaasha Qaran oo galabta Furmaya

Tifaftiraha K24

Dhagayso+Sawiro:- Madaxweyne C/weli Gaas oo Garowe ku qaabilay Safiirka somaliya u Jooga Imaraadka

admin

Muuqaal: Daawo Maxaadan Ogeyn Oo Ay Ciidmadda Jubbaland Ka Sameeyeen Deeganadda Kismaayo Hoos Taga???

Tifaftiraha K24