Somali News Top News

TOP NEWS: Shirweynaha Saxafiyiinta Soomaaliyed oo Maanta Muqdisho ka furmay

Waxaa maanta si rasmi ah magaalada Muqdisho kaga furmay shirweynaha Saxafiyiinta Soomaaliyeed kaasi oo ay ka qaybgalayaan wariyaal badan oo ka kala yimaaday magaalooyinka dalka.

Saxafiyiinta Soomaaliyeed ayaa doonaya in shirwaynahaan ay ku soo doortaan hogaanka ururka Suxufiinta Qaranka ee NUSOJ oo mudo badan is qab qabsi uu ka taagnaa.

Gudoomiye ku xigeenka gudiga Badbaadada NUSOJ Ismaaciil Sheekh Qaliif oo ka hadlay furitaanka shirkaan ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin wayn oo suxufiyiintu ay doonayaan in aayaha ururkooda go’aan ay kaga gaaraan.

Ismaaciil Sheekh ayaa sidoo kale sheegay in shirkaan uu socon doono mudo Sadax maalmood ah, iyadoo wariyaasha ka kala yimid gobolada dalkana mudadaasi ay ku dooran doonaan hogaanka ururka NUSOJ.

Qaar ka mid ah saxafiyiinta oo ayaguna ka hadlay shirkaan ayaa sheegay inay ku faraxsanyihiin in maanta ay ka shirayaan mustaqbalka hogaankooda.

Sidoo shirkaan ayaa suxufiyiintu waxay ku waynay yeen 3-may oo ku began maalinta saxaafada Aduunka oo sanadkasta loo dabaal dago.

Waxay suxufiintu isla qireen in dhibaatooyin badan la soo maray laakiin haatan wali ay yiraan culeesyo heesta warbaahinta loona baahanyahay in laga gudbo.

Sikastaba shirkaan oo sii socon doona ilaa iyo labada maalin ee soo socota ayaa wuxuu yahay mid ay isku raacsanyihiin dhamaan suxufiyiinta Soomaaliyeed ee jooga dalka iyo dibada intaba.

Related posts

Daawo: Maxaadan ogeyn oo midowga yurub iyo dowlada federaalka ay ku heshiiyeen xili bixinta mushaaraadka ciidamada booliska ay….?

Tifaftiraha K24

DEG DEG: Dhageyso Kooxo Hubeysan oo Goordhaw Muqdisho ku Dishay Korneel ka tirsan Ciidanka Xooga Dalka Soomaliyed+Magaciisa

Tifaftiraha K24

Wasiirka Boostada & Isgaarsiinta oo xubnaha ITU ka codsaday inay taageeraan Qaraarka khuseeya Soomaaliya

admin