Somali News Top News

TOP NEWS: Shirkii labaad oo u dhaxeeya dowaldda federaalka iyo maamul goboleedyada oo maanta ka furmaya magaalada……

Magaalada muqdisho waxaa maanta lagu wadaa in uu ka dhaco shir u dhaxeeya dowladda federaalka iyo dowlad goboleed-yada xubnaha ka ah federaalka.

Shirkaan wuxuu hordhac u yahay shir 11-ka bishaan may ka furmi doono magaalada london oo arimaha soomalia looga hadli doono.

Shirkaan wuxuu ka dhici doona xarunta xalane waxaana ka qeyb galaya madax ka socota qaramada midoobay,midowga yurub ,midowga afrika iyo weliba masuuliyiin ka socota dalka ingariiska.

Madaxda maamul goboleedyada ayaa shirkaan kasoo qeyb gali doono waxaana shir guddoomin doono madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka soomalia mudane maxamad c/llahi farmaajo.

Shirkaan waxa uu hordhac u yahay shirka london waxaana madaxda dowladda dhexe iyo kuwa maamul goboleed-yada ay uga arinsanayaan sidii mowqif mideysan ay soomalia ula tagi laheyd shirkaas howlaha shirkana looga dambeeyo dowladda dhexe.

Shirweynaha London ee soo socda ee arrimaha Soomaaliya. Shirweynaha London waa fursad weyn oo lagu dardar gelinayo dib u habaynta, laguna xoojinayo iskaashiga u dhexeeya beesha caalamka iyo Soomaaliya, waxaana lagu dejin doonaa arrimaha laga mideysanyahay ee mudnaanta leh sanadaha soo socda si gacan looga geysto sidii dadka Soomaaliyeed loo siin lahaa mustaqbalka ay mudanyihiin.

Shirweynaha London ee arrimaha Soomaaliya ee qabsoomaya 11-ka bishaan wuxuu fursad gaar ah u noqon doonaa xaqiijinta taageero heer sare ah oo caalami ah oo ay hesho Soomaaliya marxaladdan adag ee kalaguurka amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha.

Related posts

Dhagayso:- Top Madaxweyne Gaas oo lagu Qancinayo 4.5 iyo Xildhibaano Maanta Digniin Culus u diray Gaas

Tifaftiraha K24

Muuqaal: Maxaadan Ogeyn Oo Magaala Xeebeedka Kismaayo Inaga Soo Gaaraya (Daawo Muuqaal Warbixineed Aan Halkaaa Idinkaga Wadno)

Tifaftiraha K24

Dhageyso: Maxaa kajira in Ciidamo uuleeyahey Boqor Buurmadow ugoosteen dhan Puntland.

admin