Animation

Top News: Shirka Madasha Hoggaanka Qaranka oo maanta galay maalintii Seddexaad, Waxaana……………………

no responses
Thursday September 8, 2016 - 5:43 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Waxaa maalintii Seddexaad galay Shirka Madasha Hoggaanka Qaranka ee ka socda magaalada Muqdisho, kaasi oo looga wada tashanaayo hanaanka doorasho ee dalka.

Shirkan oo uu shir guddoominayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa ka qaybgalaya Guddoomiyaha Baarlamaanka, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid Sharmaaarke, Ra’iisal Wasaare Ku-Xigeenka, Maxamed Cumar Carte, Madaxda Dowlad Goboleedyada Jubbaland, Koonfuur Galbeed, Galmudug iyo Puntland.

Waxaa uu kulankan noqonayaa kii ugu dambeeyay ee Madasha Hoggaanka Qaranka isugu yimaadaan, iyadoo shirkan ka dib si toos ah loo dhaqaaqaayo hirgelinta hannaanka doorashada labada aqal iyo tan madaxtinimada.

Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta ay war ka soo saaraan waxyaabaha looga hadlay Madasha Wadatashiga Qaran.