Animation

TOP NEWS: Shiikh Shariif , Cumar C/rashiid iyo Laba Musharax kale oo Ilaa iyo Hada Isdiiwana galisay iyo Guddiga Doorashada oo sheegay in….

no responses
Friday January 27, 2017 - 5:56 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

MagaaladaMuqdisho waxaa Maalintii shalay si Rasmi ah uga bilaabatay Diiwaan galinta Musharixiinta u tartameysa Xilka Madaxweynaha Soomaliya.

Musharixii ugu horeeyay ee la diiwana galiyay wuxuu ahaa Shiikh shariif shiikh Axmad Madaxweynihii hore ee Soomaliya Isagoona Aroor hore Maalintii khamiistii iska diiwaan galiyay Xarunta Guddiga Doorashada Madaxweynaha Soomaliya.

Ilaa iyo Hada waxaa is diiwaan galisay ilaa Afar Musharax oo Shariifka oo ugu horeeyay Musharixiinta kale ee Isdiiwaan galiyay waxaa kamid ah ah :

1- Musharax Shiikh shariif shiikh Axmad

2- Musharax Cumar C/rashiid Cali sharmaarke

3- Musharax Maxamuud Maxamed Culusow

4- Musharax C/qaadir Cosoble Cali

Afartaan Musharax ayaa hada Is diiwaan galiyay waxaana sida muuqata is dhigaalinaya Musharixiin dhowr ah oo horay Warbaahinta isugu soo Bandhigay Muqdisho kuwaasi oo ilaa iyo hada aan la arkin isdiiwaan galintooda inkasto watqiga diiwana galinta ay xooga ka harsantahay.

Musharixiin ayaa Bilaabay durbaba in ay ka tanasulaan Musharaxnimadooda waxaana shalay Muqdisho uga dhawaaqay in uu Tanasulay Musharax Cali Maxamad Geedi.