Animation

Top News: Sarkaal Nabadsugida ka tirsan oo ciidamadda Dowladda ka goostey iskuna dhiibey……….

no responses
Saturday September 5, 2015 - 7:44 under Somali News by admin
mqdefault

Wararka ka imaanayaa Gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in Taliyihii Ciidanka nabad sugidda Gobalka Hiiraan Cali fanax uu u goostay dhinaca Ahlusunna  iskana dhiibay Magalada Magaalada Mataabaan.

Taliyaha ayaa la sheegay in xilka qaadis lagu sameeyey oo Gobalkaas lo Magacabay Taliye cusub oo la yiraado Faarax C/llaahi juuni islamarkaana uu Malmahaan diidanaa  in uu xilka warejiyo.

Shalay ayey Guddomiyaha Gobolka iyo kan Baledweyne kula kulmeen Magalada Baladweyne waxaana lo sheegay in uu xilka Warejiyo, balse xalay ayaa isaga iyo Ciidamo uu watay waxa ay u goosteen dhinaca Ahlusunna. .

Wali Maamulka Gobolka Hiiraan war kama soo saarin Goosashada Taliyaha Ciidanka Nabad Sugidda Gobolka Hiiraan.