Animation

Top News : RW Sharmaake oo uu ka fashilmay Isku daygii uu ku doonayay Inuu ku dhameeyo Dagaalkii Gaalkacyo, Muqdishane dib ugu soo laabtay.

no responses
Saturday November 28, 2015 - 12:14 under Somali News by admin
mqdefault

Raisal Wasaaraha Soomaaliya cumar cabdirashiid sharmaake Iyo wafdigii uu hogaaminaayay Ayaa la filayaa iney goordhaw soo gaaraan Magaalada Muqdisho iyagoo diyaarada sida Wafdiga ay kasoo duushay Magaalada Garowe.

Socdaal uu Rai’sal Wasaaraha doonayay in xal looga Gaaro Dagaalo maalmahaan ka dhacayay gaalkacyo Ayaa fashilmay kadib markii maanta galinkii hore uu Dagaal ka dhacay Magaalada.

Fashilka socdaalka sharmaake ayaa noqonaya guuldarro siyaasadeed oo u soo hoyatey xukuumadiisa, waxaana lasheegayaa in fashilkan uu ka danbeeyo Madaxweynaha punland Cabdiwali Gaas oo gadaal ka riixaya Dagaalka ka jira Magaalada gaalkacyo.

Sikastaba sharmaake ayey dharbaaxo siyaasadeed oo gaartay u noqoneysaa Kusoo gurya noqoshadiisa Muqdisho isagoo aan natiijo ka gaarin safarkii uu shalay ugu tagay Puntland Iyo galmudug oo uu kala hadlayay joojinta dagaalka