Animation

Top News:- RW Cumar Cabdirashiid oo la kulmay Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed

no responses
Thursday November 19, 2015 - 7:35 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Magaalada Baydhabo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake waxaa uu kula kulmayaa Odayaasha Dhaqanka Maamulka Koofur Galbeed ee ku howlan soo xulista Baarlamaan uu yeesho Maamulkaasi Koofur Galbeed.

Ra’iisul Wsaaaraha Soomaaliya ayaa Xalay Kulamo gooni gooni ah la qaatay Madaxda Maamulka Koofur Galbeed iyo qaar ka mid ah Malaaqyada ku nool Magaalada,waxaana uu kala hadlay sidii loo da dajin lahaa Dhismaha Baarlamaanka Maamulka koofur Galbeed.

Cumar C/rashiid Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda ayaa maanta Magaalada Baydhabo oo uu Xalay ku hoyday kula kulmi doona Odayaasha Dhaqanka iyo Bulshada Magaalada Baydhabo.

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid ayaa noqoneysa Markii ugu horeeysay oo Baydhabo uu tago tan iyo markii loo Magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda hada jirta.

Baydhabo ayaa waxaa ka socota qaban qaabo lagu doonayo in lagu soo Xulo Baarlamaanka uu yeelan doono Mamaulkaasi Koofur Galbeed.

Facebook Comments