TOP NEWS: Rug Cadaa Saxaafadeed oo Soomaali u dhashay oo Markii ugu Horeysay loo doortay in uu Noqdo Kaaliyaha Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta Carabta+Magaca Rugcadaaga Soomaliyed

0

Rugcadaa saxaafadeed ee Somaliya ah Al-Ustaad Caabi Faarax Cusmaan ayaa  loo doortay kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Carabta ka gadaal markii  mgaalada Tunis lagu qabtay  Shirweynihii 13-aad ee  Ururkaas oo socoday intii u dhaxeysay 21-23kii bishan May.

Shirweynahaasi lagu doortay Al-Ustaad Caabi Faarax Cusmaan  ayaa waxaa ka qeyb galay  Raiisul wasaaraha dalka Tunisiya  Al-Xabiib Al-sayd iyo xubnaha suxufiyiinta Dowladaha Carabta ee Ururweynahaasi ka tirsan.

Cod loo qaaday Al-Ustaad Caabi Faarax Cusmaan oo ah Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Ururka Suxifiyiinta Carabta ayaa waxa uu helay 66 Cod halka  tirada guud ee codbiyaasha ay dhamaayeen 88 Cod, waxana Somaliya ay shirkaasi uga qeyb galeen  4 Suxufi oo uu ka mid ahaa Al-Ustaad Caabi Faarax Cusmaan.

Al-Ustaad  Caabi Faarax Cusmaan waxa u xilka haynayaa muddo afarta Sano ee soo socota waana markii ugu horeysay ee Somalia ku guuleysato Kursiga  Xoghaynta guud ee Ururka Suxufiyinta Carabta oo la asaasay sanadkii 1964  xaruntiisana ku taal magaalada Qaahira.

Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Carabta Al-Ustaad Caabi Faarax Cusmaan waxa u howlaha Saxaafada ku dhex jiray  muddo 40 Sano ka badan  wuxuuna madax ka noqday oo soo saari jiray Wargeyska Al-daliica oo  Tdobaadkiiba mar ka soo bixi jiray Somaliya iyo Wargeys kale oo isna lagu magacaabi jiray Al-umah.

Sidoo kale Suxufiga Caabi Faarax wuxuu Warka Carabiga ka akhrin jiray Radiyo Muqdisho iyo Telefishinkii Qaranka Xiligii Dowladii dhexe ee ka horeysay burburka.