Somali News

TOP NEWS: Roobab lagu diirsaday oo laga soo sheegaayo in ay si wanaagsan uga da’een gobolada …..

Wararka ka imaanaya Gobolka Sanaag ee wuqooyga soomaliya ayaa waxa ay sheegayan in Roobab ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada ay ka da’een qeybo kamid ah gobolka sanaag .

Roobabka ayaa biyo dhigay deegaano dhaca gobolka sanaag oo abaaro xoogan ay ka jireen iyadoona dadku ay aad ugu farxeen raxmadda alle oo u da’day.

Sidoo kale Gobolka Hiiraan waxaa laga soo sheegaya in qeybo kamid ah ay ka da’een rooban lagu diirsaday.

Gobalka Sanaag goobaha sida garaka ah Roobabka kaga da’een waxaa ka mid ah degmada Ceerigaabo iyo deegaanada hoostaga’sidoo kale gobalka Hiiraan deegaanada uu Roobka ka da’ay waxaa ka mid ah deegaanada Shaw iyo Rasse.

Todaadbkii hore waxey Roobab ka da’een deegaano iyo degmooyin ka kala tirsan Baay iyo Jubbooyinka oo dhaca Konfurta dalka Somaliya.

Gobolada dalka soomaliya waxaa ka jira abaaro aad u daran oo saameyn weyn ku yeeshay dadka iyo duunyada waxaana roobabkaani aad ugu farxay dadka ku nool gobolada dalka ee biyo la’aanta u dhimanaayay waana raxmad alle oo ka curatay gobolada dalkeena.

Related posts

Daawo: Magaalada Kismaayo oo Maanta si diiran Loogu soo dhaweeyay Musharax Xildhibaan ……

Tifaftiraha K24

TOP NEWS: Puntland oo Dowlada federaalka ku eedeysay in ay ka dambeysay Weerarkii Alshabaab ay ku qabsadeen deegaanka Garacad

admin

TOP NEWS: Dhageyso Kulan lagu taageeraayay Go’aankii Xildhibaanada Galmudug ay Xilka uga qaadeen Guulled oo Maanta ka dhacay Muqdisho

Tifaftiraha K24