Animation

TOP NEWS: Raisul Wasaare Sharmaarke oo Gaaray Magaalda Garoowe Xili Cabdi Wali Gaas uu Ka dhoofay Garoowe

no responses
Saturday October 15, 2016 - 11:49 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wafdi uu Horkacaayo Raisul Wasaaraha Soomaliya Cumar C/Rashiid ayaa Gaaray Magaalada Garoowe ee Maamulka Puntland halkaasi oo si diiran loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga Raisul wasaaraha waxaa Garoonka ku soo dhaweeyay Madaxwaynaha Puntland iyo Golayaasha dawladda Xubno ka tirsan Maamulka Puntland.

Soo dhaweyn ka dib Cabdi Wali Gaas ayaa ka Amba baxay Magaalada Goroowe Isagoona u duulay Wadanka Isku taga Imaaraadka Carabta Halkaasi oo Martiqaad uu ka helay.

Ujeedka Socdaalka Raisul Wasaaraha ayaa waxaa ay tahay dhex dhexaadinta Maamulada Galmudug iyo Puntland iyo Joojinta dagaalada ka socda Magaalada Galkacyo.

Lama Oga inta uu Gaas ka maqnaanayo Garoowe Waxaase Isweydiin Mudan Raisul wasaarah yuu kala hadli doono Qadiyada Galkacyo Mar hadii gaas uu ka dhoofay Garoowe????