Animation

Top News:- Qodobo laga soo saaray Wada Hadaladii Gaalkcyo Kasocday

no responses
Tuesday December 1, 2015 - 2:17 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Afar qodob ayaa la isku afgartay Shir dhinacyo badan oo maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo xarunta gobolka Mudug kaas oo ay wada qaateen Madaxda Federaalka, kuwa Puntland, Jublanad iyo xubno ka socday Beesha Caalamka.

Shirka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa Madaxda dowaldad Puntland lagala hadlay Sida ugu dhow ee ugu macquulsan oo xal waara loogu heli karo xiisadda ka taagan magaalada Gaalkacyo, waxaana ka dib la soo jeediyay in la isla qaato 4 qodob oo la isku afgartay.

Qodobada la isku afgartay ayaa waxaa ka mid ahaa
1-In xabad joojin
2-In dadkii qaxay dib loso celiyo.
3-In ciidamada iyo Maleeshiyada la kala qaado.
4-Iyo in la isugu yimaado wada hadal dhameystiran.

Madaxda Dowladda Puntland ayaa aqbashay qodobadan, waxaana ka dib soo gaba gaboobay shirkii la isugu yimid ee laga soo saaray qodobadaas.

Waxaa sidoo kale Magaalada ka bilowday Kulamo kale oo u dhexeeya madaxda u yimid xallinta colaadan, xubnaha ka socda Beesha Caalamka iyo mid kale oo ay wada qaateen madaxweynaha Dowladda Puntland iyo Odayaasha iyo waxgaradka Magaalada Gaalkacyo.

Facebook Comments