Animation

TOP NEWS: Qarixii ugu horeeyay oo lala beegsaday Mid kamid ah Xubnaha Aqalka Sare ee Soomaliya Maxaase qasaaro ah oo ka dhashay??

no responses
Wednesday February 1, 2017 - 12:23 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Mid kamid ah Xildhibaanada Aqalka sare ee Soomaliya ayaa saakay waxa uu ka bad baaday qarax miino oo gaarigiisa lala beegsaday.

Senator  Prof. Cusmaan Maxamuud Dufle oo kamid ah xubnaha Aqalka sare ee Soomaliya ayaa saakay Barqadii waxa uu ka bad baaday qarax Miino oo wadada dhinaceeda lagu aasay taasi oo lala beegsaday gaari uu la socday Prof dufle.

Qaraxa waxa uu ka dhacay meel aan sidaas uga fogeyn Cisbitaal uu Prof dufle ka howlgalo oo ku yaala Xaafada Taleex ee Dagmada Hodan .

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in Dhaqtarka uu ka bad baaday Qaraxa inkastoo gaariga uu la socday ay waxyeelo ka soo gaadhay qaraxa.

Miinada waxaa lagu aasay sida la sheegay dhagxaan tiilay goob uu dhismo ka socday oo ku u dhaw xarunta Caafimaad ee Profasoorka uu ka howlgalo.

Waa weerarkii ugu horeeyay ee lagu qaaday Mid kamid ah Xubnaha Aqalka sare ee Soomaliya tan iyo Markii la sameeyay Aqalka sare waana isku daygii ugu horeeyay ee lagu dili lahaay Xubin Aqalka sare ka tirsan.

Prof dufle waa dhaqtar soomaliyee doo Bulsho usoo adeegay waan shaqsi usoo dhabar adeegay wax u qabashada Umadda Soomaliyeed ee mudada dheer dhibaatada kusoo jirtay waxaana xusid mudan in dhaqtarka uu ka bad baaday qaraxii Hotel Shaamow ee dhacay Sanadkii 2009-kii halkaasi oo ay ku geeriyooday dhaqaatiir Aqoonyahano Profasooro iyo Wasiiro dowladii KMG aheyd ka tirsaneyd xiliga qaraxaasi uu dhacaayay waxaa khudbada jeedinaayay Prof dufle inkastoo aysan dhamaan waqtigii uu dunida ku lahaay Halyeey qaran Prof. Cusmaan Maxamuud Dufle oo taariikhda soomaliya Baal dahab ah ka galay.