Somali News

TOP NEWS: Qaramada Midoobay oo Ka hadashay Kulan dhexmari doona Madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi

Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating ayaa sheegay in dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland ay diyaar u yihiin wadahadallada dhinacyadan ee mudada dheer hakadka ku jiray.

Keating oo ka hadlayay Madasha golaha xiriirka Dibadda ee CFR ayaa sheegay in Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ay diyaar u yihiin in dib loo billaabo wadahadallada dowladda Federaalka ah iyo Somaliland.

Keating waxaa uu xusay in wadahadalka labada dhinaca uu noqonayo mid looga hadlayo iskaashiga amaanka,abaaraha,burburka degaanka ,Badaha,iyo maamulka Hawada.

Dhinaca kale wasiirka arrimaha dibadda ee Maamulka Somaliland Sacad Cali SHire ayaa sheegay in dowladda Federaalka ah iyo Somaliland ay muhiim u tahay iska kaashiga argagixisada iyo burcad badeedda,waxaana uu intaas ku daray in ay muhiim tahay in Somaliya aqoonsato Somaliland,taas oo uu sheegay in ay dan ugu jirto labada dhinac.

Shirkan lama sheegin goobta iyo goorta uu furmayo hayeeshee waxaa jira warar sheegaya in Maamulka Somaliland diiday in gogoshada wadahadallada ee taalla Istanbuul Turkiga ay halkaas sii ahaato,iyada oo sidoo kale ay Somaliland dalbatay dal kale,taas oo hadda la tuhmayo in ay noqoneyso Itoobiya.

Related posts

Maqaal~: Muqdisho Federaaleynta Dalka ma ka mid tahay mise? by Xil. Maryam Cariif Qaasim

admin

Top News: Dowlada Soomaaliya oo Kenya ku heysata arin ay sameyneyso oo aysan Dowladda Soomaaliya la socodsiin (Waa Maxay Arintaasi?).

admin

Dhagayso:- Taliyaha Ciidanka Sierra Leone oo Maanta Gaaray Kismaayo Muxuu ahaa Ujeedka Socdaalkiisa

admin