Animation

TOP NEWS: Odayaasha Dhaqanka Hiiraan iyo Sh.dhexe oo Heshiis ka gaaray goobta lagu qabanaayo Doorashada Xubnaha Aqalka Sare ee…..+Sawirro

no responses
Monday October 3, 2016 - 7:14 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Duubabka Dhaqanka Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa Waxa ay ku Heshiiyeen in Doorashada  Aqalka Sare Ee Baarlamaanka ay ka dhacdo Magaalada Muqdisho ,Iyadoo Waqti yar uun Ka Harsantahay Xilligii Loogu Talagalay In la Qabto Doorashooyinka La Filaayo In ay Ka dhacaan Gudaha Dalka.

Markii ay Shir Wada Tashi ah la Yeesheen 25-kii sebtember 2016  Guddiga Federalka iyo Hirgalinta Doorashooyinka Dadban  (GFHDD) iyo Guddiga Dowlad Goboleedka iyo Hirgelinta Doorashooyinka Dadban  (GDGHDD) Ka Dib Falanqeyn iyo dood  Markii ay Yeesheen Duubabka Dhaqanka ee ka soo Jeeda Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Waxeyna isku Afgarteen In Doorashada  iyo Xulista Baarlamaanka oo Ka Dhicilaheyd Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe  In loosoo Wareejiyo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka,Si ay u Sahlanaato Habsami u Xulidda Xildhibaanada Cusub Waqtigii Loogu Talagalay.

Halkaan Hoose ka Daawo Sawirrada

img_0065 img_0067-1 img_0068 img_0069 img_0070 img_0071 img_0072 img_0075-1 img_0081-1 img_0084 img_0093-1 img_0098 img_0106 img_0131