Animation

Top News:- Odayaasha Balad xaawo oo ka horyimi darbiga udhaxayn doona Iyaga iyo Kenya

no responses
Wednesday November 11, 2015 - 5:32 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Odayaasha degmada Balad xaawo ayaa  sheegay in Kenya ay bur burinayso xadka u dhaxeeya labada magaalo ee Balad xaawo iyo Mandheere islamarkaana ay rabto inay dhisto mid cusub oo ay gudaha usoo gasho xadka Balad xaawo.

Nabadoon Axmed Weli oo kamid ah Nabadoonada Balad xaawo ee gobolka Geddo ayaa sheegay in Ciidamo badan oo Kenyati ah ay gudaha usoo galeen gudaha Balad xaawo islamarkaana ay bur buriyeen xadkii Talyaaniga iyo Ingiriisku ay  sameeyeen.

Axmed ayaa ugu baaqey Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo DF inay wax ka  qabtaan Darbiga  dowladda Kenya ka dhisayso dhinaca degmada Baladxaawo,isagoona talaabada Kenya ku tilmaamay dhul balaarsi .

Dowladda Kenya ayaa horay u sheegatay lahaanshiyaha qeyb ka mid ah badda Soomaaliya, iyadoo haatanna  billawday inay toos ugu soo xadgudubto deegaanada ku yaalla  Xuduuda u dhaxeysa labada dal.